Wararka ka imaanaya dalka Masar, ayaa tilmaamaya in shil tareen oo ka dhacay dalkaas uu geystay khasaare nafeed.
Shilka ayaa maalintii shalay ka dhacay magaalada Az-Zaqaaziiq ee gobolka bari, ee dhaca wuqooyi bari magaalada Al-Qaahira, waxaana isku dhacay labo tareen oo rakaab siday.
War kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka iyo deegaanka ee dalka Masar, ayaa lagu sheegay in shilka uu sababay dhimashada ugu yaraan 3 ruux, iyo dhaawaca 49 kale.
Dadka dhaawacyada qaba ayaa la dhigay isbitaallo caafimaad oo ku yaala magaalada uu shilka ka dhacay, waxaana laga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee 5 kamid ah dadka dhaawacyada qaba.
Labada tareen ee isku dhacay ayaa mid kamid ah wuxuu kasoo baxay magaalada Az-Zaqaaziiq, isagoo kusii jeeday Al-Ismaaciiliyah, halka midka kalena uu kasoo safray Al-Mansuura oo uu kusii jeeday Az-Zaqaaziiq.