HomeAll newsSiyaasadda Moody Waxay Burubineysaa Xiriirka Hindiya iyo Dalalka Deriska.

Siyaasadda Moody Waxay Burubineysaa Xiriirka Hindiya iyo Dalalka Deriska. [Dhagayso]

Majallada Foreign Policy ee kasoo baxda dalka Maraykanka, ayaa warbixin ay daabacday waxay kaga warantay tallaabooyinka qar iska tuurnimada ah ee uu qaadayo ra’iisul wasaaraha xagjirka ah ee dalka Hindiya ninka lagu magacaabo Muudy, taasoo burburineysa xiriirka dalkan uu la leeyahay dalalka ay deriska yihiin.

Majallada ayaa tilmaameysa in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Bangaladesh, oo ardeyda jamaacada dalkaas ay xilka kaga tuureen haweeneydii mudada dheer maamuleysay Bangaladesh, ay naxdin iyo fajiciso ku ahayd manduumada amniga iyo siyaasadda ee dalka Hindiya.

Waxay warbixintu intaa ku dareysaa in tallaabooyinka uu qaadayo xisbiga qowmiga ee Hinduuska, uuna hogaamiyo ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya, ay waxyeeleysay masaalixda gobolka ee Hindiya.

Warbixintan ay daabacday majallada Foreign Policy oo uu qoray Soshanti Siig oo wax ka dhiga jaamacadda Yale ee dalka Maraykanka, ayaa lagu sheegay in toban sano kahor oo ahayd markii loo doortay Muudi inuu noqdo ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya, uu xooga saaray siyaasad arimo dibadeed dhigeysa in xiriir wanaagsan lala yeesho dalalka deriska ah, laakiin wax weliba ay si fudud isku bedeleen, sababo ku aadan muranada xuduudaha ku saleysan iyo kororka awoodda Shiinaha ee mandiqadda.

Wuxuu intaa ku darayaa qoraaga in gebi dhacleynta siyaasadda Hindiya ee la xiriirta dalalka ay deriska yihiin aaney keliya ku imaan saameynta ka dhalatay arimo dibadeed, balse ay sidoo kale sabab u tahay siyaasadda arimaha gudaha, ee waayadii u dambeysya xooga saareysay in loo muujiyo in Muudi yahay nin awood leh, isku haya dowladda, taasoo laashey libraaliyaddii iyo dimuqraadiyadd uu dalkan sheeganayay, sida uu tilmaamayo qoraaga.

Ideolojiyadda ku dhisan qowmiyadda, ee uu xooga saarayo xisbiga Bahartiya ee uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Muudi, ayaa kaalin weyn ka qaatay waxyeelleynta masaalixda gobolka ee Hindiya, si gaar ah marka laga hadlayo dalka Bangaladesh.

Siyaasaadkaas xagjirnimada ku saleysan ee uu qaatay ra’iisul wasaaraha Hindiya, sida ay majallada Maraykanka kasoo baxdo tilmaameyso, waxaa kamid ah in sanadkii 2019-ka uu meel mariyay in dhalashada dalka Hindiya si fudud oo sahlan loo siiyo aqalliyaadka Hinduuska ah ee kusugan dalka Bangaladesh, taasoo dhalisay carada jamhuurka guud ee Bangaladesh.

Inkastoo xilligan talada laga tuuray haweeneydii siyaasad ahaan u dhaweyd Hindiya, mudada dheerna maamuleysay dalka Bangaladesh, xukuumadda New Delhina ay hortaallo fursad ay ku sixi karto khaladaadkii ay horey u geystay, waxay warbixintu sheegeysaa inaaney muuqanin isku day Muudi iyo xisbigiisa ay ku doonayaan iney hagaajiyaan suuradda Hindiya, tan ayaana kamid ah silsilado fashillo waaweyn oo ay xukuumadda New Delhi ay keentay, mana muuqato isku dayo la xiriira in dib loogu saxo.

Mid kamid ah siyaasaatka ay hiigsaneyso dowladda Hindiya, kuna howlantahay, tobankii sano ee lasoo dhaafeyna aad uga muuqday, waa iney dhisto dowlad Hinduus ah, tan ayaana warbixintu ku sheegeysaa iney dhibi doonto masaalixda Hindiya ee gobolka, maadaama dalalka ay deriska ah ay yihiin wadamo Islaam ah.

Mabda’a Hinduusiyadda ee lo’ caabudidda ayaa dhigaya in la colaadiyo, lana laayo dadka muslimiinta ah, waxaana si loo fuliyo ajandahan ay dowladda Hindiya dhibaateyn ba’an ku heysaa sanadihii lasoo dhaafay dadka muslimiinta ah ee xitaa kasoo jeeda dalka Hindiya, iyo kuwa ku nool gobolka Kashmiir ee ku jira gumeysiga Hinduuska.

Warbixinta lagu daabacay majallada Foreing Policy, waxay tilmaameysaa iney aad u xeeldheertahay cilaaqada ka dhexeysa Hindiya iyo Sheekhad Xasiinah, oo dhawaan laga eryay dalka Bangaladesh.

Haweeneydan iyo walaasheeda ayaa sanadkii 1975-tii u baxsatay dalka Hindiya, kadib markii aabaheed Mujiibu-Raxmaan lagu dilay inqilab milliteri oo talada loogala wareegay.

Sanadkii 1996-dii ayay kusoo noqotay Xasiina dalka Bangaladesh, iyadoo noqotay ra’iisul wasaaraddii ugu horeysay ee wadanka, xilkana waxay heysay illaa 2001-dii, 2009-ka ayayna markale kusoo noqotay kursiga, illaaa sanadkna 2024-ka xoog looga tuuray.

Xasiinah oo ay warbaahinta reer galbeedku ugu yeeri jireen haweeneyda birta ah, ayaa ku guuleysatay iney gaacnta ku dhigto dhamaan mu’assasasaatka dowladda siiba milliteriga iyo amniga, waana mida keentay in xukuumadda New Dehli ay aaminto in haweeneydan ay xilka sii heyn doonto xitaa banaanbaxayda oo dhacayay.

Laakiin fashil sirdoon iyo mid siyaasadeed, oo muujinaya inaanay New Delhi aad ugu dhuun daloolin arimaha dalka Bangaladesh, waxay kacdoon wadayaasha dhalinyarada ahaa ku guuleysteen iney xilka ka tuuraan Xasiinah, kuna qasbaan iyadoo baxsad ah iney gaarto dalka Hindiya.

Habdhaqanka amniga lagu talaxtagay ee dhigayay in si indho la’aan ah loo taageero xukuumadda Xasiinah, oo astaan u ahaa xukuumadda Hindiya, wuxuu qoraagu tilmaamyaaa inuu ka hor imaanayo xiriirka taariikheed iyo midka dhaqan ee Hindiya kala dhexeeya dalalka ay deriska yihiin, tallaabooyinkan ayayna xukuumadda New Delhi waxay ku weysay kalsoonida deriskeeda.

Mayanmar waxay dowladda Hindiya dooratay iney garab siiso milliteriga talada afgembiga kula wareegay, Banalgadeshna waxay dadku ka cabtaan habdhaqanka xun ee ciidamada Hindiya ee kusugan xuduuda labada dal, markii Xasiinah talada laga tuureyna waxay Hindiya qaaday tallaabo aan laga fiirsan oo la yaab leh, taasoo ahayd iney biyo xireennada kusoo furto dalka Bangaladesh, taasoo loo arkay iney ahayd mid muujineysa halka uu gaaray carada Hindiya ee ka dhalatay xilkaqaadistii Xasiinah.

Halkan ka dhagayso Warbixinta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular