Wararka ka imaanaya dalka Iiraan ayaa ku waramaya, in qarax uu ka dhacay goob dhuxusha laga soo saaro, kaasoo geystay waxyeello xoogan.
Wakaaladda wararka Iiraan ee IRINA ayaa war ay baahisay waxay ku sheegtay, in goobta dhuxusha laga soo saaro ay ku taallo bariga dalka Iiraan, halkaasna inta la ogyahay ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof, oo kamid ahaa shaqaalaha ka shaqeynayay goobta.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa kamid ah gobolka Khuraasaanta koonfureed, waxaana telefeshinka dalka Iiraan uu baahiyay, in weli goobta laga soo saaro dhuxusha ay weli ku go’doosanyihiin qaar kamid ah shaqaalaha, oo aan war rasmi ah laga heynin xaaladooda caafimaad.