Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay dalka Koonfur Afrika kusii xoogeysanayeen dilalka iyo dhaca ka dhanka ah Soomaalida, ayaa waxaa ay Soomalida ku nool dalkaasi ay ka hadleen dilalkii ugu dambeeyay ee dhacay.
Waxa ay walaac ka muujiyeen xaaladaha murugada leh ee ay ku wajahayaan dalka Koonfur Africa.
Dilalka iyo dhaca ayay sheegeen iney noqdeen kuwa soo batay, islamarkaana beegsanaya Soomaalida.
Xaafadaha ay Soomaalidu dagan yihiin ayay sheegeen in amnigooda uu faraha ka baxay, islamarkaana ay ka taagan tahay cabsi daran.