Dhac iyo xaalufin ba’an ayaa laga soo sheegayaa degaanno katirsan goballada Gaarisa iyo Wajeer oo kamid ah dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya.
Bulshada ku dhaqan dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysato ayaa wajahaya, dhibaatooyin nuuc waliba leh oo ay kala kulmayaan qolyaha Kirishtanka Kenyanka ah iyo kuwa Soomaali ah oo lasoo adeegsaday.
Qaar kamid ah dadka ku nool goballadaas ayaa waxa ay sheegeen, in waxa dhibaatadaan geysanaya ay yihiin dad aan la garan karin oo si dhuulaameyso ah ku yimaada degaannada.
Waxay tilmaameen iney geysanayaan Kufsi, dhaca xoolaha iyo xaalufinta dhirta oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.