Dowladda Sweden ayaa xoojisay tallaabooyinka ay dalkeeda uga soo musaafirineyso dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee dalkaasi ku nool.
Mudooyinkii lasoo dhaafay dowladaha reer-galbeedka ayaa soo saaray, shuruuc ay xad ugu yeelayaan qulqulka dadka soo galootiga ah ee dalalkooda imaanaya.
Dowladda Sweden oo kaalmaha hore kaga jirta dowladahaas sare uqaaday shuruucda ay ku xadideyso dadka soo galootiga ah, iyadoo iminka billawday iney dib usoo celiso dadka tagay waddankaas.
Waxa ay tilmaamayaan in wadamadooda ay noqdeen kuwa uu dhaqaalahoodu hoos udhacay, ayna shaqo la’aan soo wajahday dadka udhashay wadamadaas, sidaas darteedna ay qaadayaan tallaabo waliba oo suuragal ah, si loo yareeyo dadka soo galootiga ah.