HomeAll newsUganda oo Looga Digay Weeraro ay Al-Shabaab ka Fuliyaan Gudaha Dalkeeda.

Uganda oo Looga Digay Weeraro ay Al-Shabaab ka Fuliyaan Gudaha Dalkeeda.

Wadanka Uganda waxaa ka taagan cabsi laga qabo in dalkaasi ay ka dhacaan weeraro ay geysato Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, sida uu sheegay afhayeenka Booliska Ugandha Kituuma Rusoke.

Afhayeenka ayaa sheegay in xogtan digniinta ah uu kahelay Qaramada Midoobay iyo safaaradda Mareykanka ee wadanka Uganda.

Xogtan ayaa walaac badan ku abuurtay dowladda dalkaasi, waxayna bilowday xukuumadda Kampala iney aad u adkeyso amaanka magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Meelaha ay sheegeen in weerarada looga cabsi qabo iney ka dhacaan waxaa kamid ah, safaaradda Mareykanka ee dalkaasi iyo xurmaha Qaramada Midoobay, goobahan ayaana si gaar ah loo ilaalinayaa xilligan.

Goobaha sida gaarka ah loo magacaabay ee looga digay dadka udhashay Mareykanka iney tagaan waxaa kamid ah, meelaha dalxiiska iyo isku imaatinnada, sida lagu sheegay warka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee dalka Uganda.

Halkaan ka Degso Warka Uganda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular