Xukuumadda Kiev sheegtay in weerar uu Ruushku ka geystay gudaha dalkeeda uu ku dilay in ka badan 50 ruux.
Weerarka ayay tilmaamtay in lala beegsaday xarun lagu tababaro ciidanka oo ku taalla mandiqadda Poltava ee badhtamaha dalkaas, islamarkaana lagu dilay in ka badan 51 ruux, laguna dhaawacay tiro kor udhaafeysa 200 oo kale.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dhankiisa sheegay, in weerarka lala beegsaday xarun tababar iyo isbitaal ku ag yiilay.
Waxa uu ku goodiyay in lala xisaabtami doono Ruushka, isagoo dowladaha xulafada ah ee reer-galbeedka ugu baaqay iney kordhiyaan nidyaamyada difaaca hawada ee lasiiyo Ukraine, si ay uga gaashaamati weerarada uga imaanaya Ruushka.
Dowladda Ruushka waxay dhankeeda sheegtay iney ka hortagtay weeraro horleh oo ay Ukraine dooneysay iney kusoo qaado ciidankooda ku sudan gobalka Kursk.