Cali Geelle, oo ah gancasade kasoo jeeda gobolka Galgaduud, ayaa dhawaan waxaa gurigiisa kasoo afduubtay malleeshiyaad Macwiisley ah oo taabacsan Dowladda Federaalka, iyagoo kadibna ku wareejiyay Sirdoonka NISA.
Warbaahinta Dowladda Federaalka ayaa horey u baahisay sheekada Cali Geelle iyo soo qabashadiisa, iyadoo ku tilmaamtay inuu yahay xubin sare oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Balse todobaad kadib, wuxuu Cali Geelle dib u heley xurriyadiisa, kadib dadaallo ay sameeyeen qabiilka uu ka dhashey, waxaana beenoobay warkii ahaa inuu yahay xubin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.