HomeAll newsWarbixin: Afrika iyo Qul-qulka Hubka! .

Warbixin: Afrika iyo Qul-qulka Hubka! [Dhagayso].

Qaaradda Afrika ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee uu hubka kusoo qulqula, warshadaha hubka farsameeya iyo dowladaha soo saarana ay aad uga faaideystaan, sidaasi darteed waxaa qaaradan ay marti gelineysaa loolanno dhiig badan ku daato oo jiitamaya waqti dheer, kuwaasoo ahdaaf ahaan midba uu meel hiigsanayo.

Inkastoo dowladaha Afrika iyo hay’adaha reer galbeedka ay tilmaamayaan iney wadaan tallaabooyin lagu xadidayo hubka soo gala qaaradda Afrika, kaasoo ah ajandaha Afrika ee sanadka 2063-da, hadana ma muuqato ifafaalo ka tarjumaya xaqiijinta hadafkaas.

Hubka fudud iyo kuwa yar yar, ayaa ah kuwa ugu badan ee soo gala qaaradda Afrika, hubka noocaas ah ayayna Qaramada Midoobay ku qeexdaa inuu yahay hubka garabka lagu qaadi karo, oo uu qaadan karo hal shakhsi ama labo shakhsi, ama sidoo kale la saari xayawaanaatka wax lagu qaado.

Machadka baaritaannada hubka yaryar ee taabacsan Qaramada Midoobay, ayaa intaas kusii daraya in hubka fudud ay kamid yihiin bastooladaha, qoriyaasha, BKMYada, dhashiikayaasha iyo gantaallada garbaha laga tuuro ee lagu beegsado diyaaradaha.

Ururka midowga Afrika ayaa dadaal ballaaran ku bixiyay sidii uu qaabeyn lahaa xeerar iyo nidaamyo lagu jaan gooyo hubka kusoo qulqulaya qaaradda Afrika, iyadoo la diiwaan gelinayo hubka ku jira gacanta dadweynaha, ama laga shaqeynayo sidii hubka aanu u gacan geli lahayn cid ka baxsan dowladaha, laakiin dhamana tallaabooyinkas waxay noqdeen kuwa dhicisoobay.

Midowga Afrika ayaa sheegay in 20 dowladood oo kamid ah ururka ay keliya ogolaadeen iney soo gudbiyaan bayaanaatka la xiriira diiwaangelinta dadka hubka heysta, waxaana intaa dheer in xitaa aanu diiwaan gashaneynini oo aan tirakoob rasmi ah laga heynin hubka ku jira gacanta laamaha aniga ee dowladaha.

Qiimeyn uu sameeyay ururka midowga Afrika, waxaa lagu sheegay in kooxaha hubeysan ee aan u diiwaan gashaneyn dowladaha, shirkadaha diiwaan gashan iyo shakhsiyaadka, ay heystaan 80% hubka yaala qaaradda Afrika, oo lamid ah 40 malyan oo hubka noocyadiisa kala duwan ah.

Marka rasmi ahaan loo hadlo, shirkadaha hubka farsameeya ee ku yaala Afrika waxay soo saaraan 70 illaa 10o malyan oo hub ah, Ak-47 ayaana ah kan ugu badan ee ay soo saaraan, dalalka ugu badan ee Afrika dhaca ee hubka soo saarana waa Koonfur Afrika.

Laga soo billaabo shirkadda hubka soo saarta, illaa laga soo gaaro shakhsiga hubka iibsanaya, waxaa u dhexeeya silsilado dullaalo ah oo inta badan ku shaqeysta qaab qarsoodi ah, taasina waxay culees ka dhigeysaa in la ogaado jihooyinka rasmiga ah eek u lugta leh ka ganacsiga hubka ee qaaradda Afrika.

Sida uu sheegayo machadka nabadda ee Stockholm, ilaha hubka ee qaaradda Afrika ayaa kusoo koobmaya illaa sadex il oo muhiim ah, tan ugu horeysa ayaana ah hubka rasmiga ah ee kujira gacanta dowladaha, kuwaasoo inta badan ku dhamaada gacnata kooxaha hubeysan ee kaso horjeeda dowladaha dalalkan kajira.

Mid kamid ah taaktikooyinka ay jamaacaadka hubeysan ku helaan hubka dowladda, waa iyagoo weeraro culus ku qaada xarumaha dowladaha iyo saldhigyada ciidamada, kadibna si xoog ah kusoo furta oo soo daabushta hubkii iyo saanadihii milliteri ee yaalay goobta ay weerareen.

Waxaa sidoo kale jirta sida uu machadka tilmaamayo, in saraakiil dowladeed ay si hoose ah uga iibiyaan jamaacaadkaas hubka ay gacanta ku hayaan, kuwaaso inta badan ay ka dhex shaqeystaan ganacsato aan la aqoonsan karin, Afrika ayaana waxaa ka furan suuqyo qarsoon oo hubka lagu kala iibsado.

Ilaha kale ee hubka laga helo marka la joogo Afrika, waxay warbixintu sheegeysaa iney tahay hubka ay bixiyaan ilo dhanka dibadda ah oo ay kamid ahaa karaan dowlado, kuwaasoo danahooda gaarka ah ka dhex arka iney hub siiyaan koox hubeysan oo ka howlgasha mid kamid ah dalalka Afrika.

Maadaama xuduudaha dalalka Afrika aaney ahayn kuwa adag, dowladahana aaney awood u lahayn iney xakameeyaan isku socodka, waxaa fudud in hubka la isaga gudbiyo xuduudaha, si fududna lagu gaarsiiyo dalka markaasi looga baahanyahay.

Tahriibinta hubka ayaa iyaduna kamid ah qaababka lagu helo hubka marka la joogo Afrika, ganacsato ayaana hubka isaga kala gudbisa wadamada qaaradda Afrika, sidaasi darteed waxaa fudud in cida joogta Afrika ee hub u baahan ay si fudud ku hesho marba haddii ay lacago heysato.

Marka laga hadlayo asbaabaha keena faafitaanka hubka ee Afrika, waxaa sababta ugu weyn ay tahay iyadoo qaaraddu ka socdaan dagaallo adag oo siyaabo kala duwan ku dhacaya, hubka fudud ee yaryarka ayaana ah kuwa ugu badan ee ay dagaalyahannada Afrika ka howlgala door bidaan, sida uu sheegayo machadka hub ka dhigista ee qaaradda Afrika.

Xuduudaha dhaadheer ee aaney jirin ciidamo amnigooda suga, wada shaqeynta dowladaha Afrika oo meesha oolin, ayaa iyaguna qeyb ka ah waxyaabaha saacidaya in hubka uu kusii baaho Afrika, sida ay sheegeyso warbixintan uu daabacay mowqica Aljazeera.

Midowga Afrika oo la dhisay sanadkii 2000, ayaa wada isku dayo lagu doonayo in lagu xakameeyo hubka sida ay marar badan madaxda ururka iyo dowladaha qeybta ka ah sheegeen, sanadkii 2013-ka ayuuna ururka ku dhawaaqay mubaadaro loogu magacdaray aamusinta hubka, iyagoo sheegay iney ujeedadoodu tahay in jiilka imaanaya aanu ka dhaxlin dagaal iyo hub.

Shareecada Islaamka ayaa qofka muslimka ah ku dhiirogelinaysa inuu hubka qaato, oo uu sharafkiisa iyo karaamadiisa ku difaacado, taas bedelkeeda waxay Shareecada Islaamka dejisay xeerar iyo qawaacid ad-adag, oo qofka muslimka ah ka hor istaagaya in hubkaas u adeegsado argagax gelinta iyo dilka qof kasta oo ay xaaraam tahay in intaas lagu sameeyo, haba ugu horeeyaan dadka muslimiinta ah.

Halkan ka dhagayso warbixin hubka Qaaradda Afrika

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular