Mid kamdi ah akhlaaqda wanaagsan, ee ay dhiirogelisay Shareecada Islaamka, xoojineysana xiriirka iyo kalgacalka ka dhexeeya Muslimiinta, waa Salaanta Islaamka ee ah Assalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarkaatuhu.
Nabiga Salla-llaahu Caleyhi wasallam wuxuu yiri: “ Jannada ma galeysaan, illaa aad Allaah ka rumeysaan, Iimaanna la idin kama helayo illaa aad dhexdiina is jeclaataan, ma idin tusiyaa arin haddii aad sameysaan aad isjeclaaneysaan, Salaanta dhexdiina ku faafiya”.
In muslimiinta dhexdooda ay isa salaamaan, salaantana ay noqoto dhaqan iyo astaan aanu leenahay, waxay keeneysaa in Muslimiintu is jeclaadaan, inta badanna waxay salaantu katimaadaa qalbi saafi ah, iyo qof tawaaduc leh, oo aan iskala weyneyn Muslimiinta kale.
Amarka Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam ee ah “ Salaanta faafiya” waxay ka dhigantahya in muslimiinta lagu boorinayo iney badiyaan salaanta dhexdooda ah, qofka muslimka ahna uu salaamo walaalkiisa muslimka ah haddii ay aqoon gaar ah ka dhexeyso iyo haddii aanu aqoonin labadaba.
Salaanta waa mid kamid ah asbaabaha ugu weyn ee keena iney Muslimiinta quluubtooda isku soo dhawaato, waana furaha horseeda kalgacalka muslimiinta, in salaanta aa faafinana waxay muujineysaa inaan nahay bulsho muslim ah oo isjecel.
Intaa waxaa dheer in Salaanta ay tahay shaciiro kamid ah shacaa’irta waaweyn ee Islaamka, iyo astaan aan uga duwannahay umadaha kale ee dunida ku nool, naftana waxay ku tarbiyeyneysaa iney is dhul dhigto, oo ay maamuusto Muslimiinta.
Saxaabiga jaliilka ah ee Cammaar bin Yaasir Radiyallaahu canhu wuxuu yiri: “ Saddex qofkii kulansada wuxuu kulansaday Iimaanka, inaad ka garsoorto naftaada, inaad salaanto dadka, iyo inaad wax la baxdo adigoo faqiir ah oo ay xaaladdu kugu adagtahay”.
Maalin maalmaha kamid ah, waxaa Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam la weydiiyay, maxaa ugu kheyr badan Islaamka? Nabiga Salla-llaahu caleyhi wasallam wuxuu yiri: Waxaad bixineysaa Raashiinka, qofkaad garaneyso iyo midka aadan aqooninna waad salaameysaa”.
Marka laga hadlayo xukunka Salaanta, waxay culimada Muslimiinta tilmaamaan in horaan qofka oo la salaamo ay tahay Sunno, laakiin haddii lagu salaamo inaad radiso ay noqoneyso waajib. Allaah wuxuu yiri :-
وَإِذَا حُيِّيتُم بِتَحِيَّةٍ فَحَيُّوا بِأَحْسَنَ مِنْهَا أَوْ رُدُّوهَا ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ حَسِيبًا
Hadaba, waxaa nala gudboon inaan faafinno Salaanta, waxay noo tahay Ajar, waxayna horseedeysaa in xiriirka iyo cilaaqada Muslimiinta uu xoogeysto.