Waxaa magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eretria booqasho rasmi ah ku tagay, masuuliyiin ka socda dowladda Masar ee uu majaraha u hayo Cabdil Fataax As-Siisi.
Wafdi ballaaran oo uu horkacayo wasiirka arimaha dibadda dalka Masar ninka lagu magacaabo Badar Axmed Muxammad, ayaa gaaray dalka Eretria, halkaas oo ay kula kulmeen madaxda wadankaas oo uu kamid yahay madaxweynaha Sias Afwerki.
Wasiirka arimaha dibadda Masar, waxaa wehlinayay masuuliyiin uu kamid yahay madaxa sirdoonka dalka Masar Cabbaas Kaamil, dhinacyada ayaana ka wada hadlay arimo la xiriira amniga badda Cas iyo qodobo la xiriira xaaladda mandiqadda.
Wafdiga Masar, ayaa ku wareejiyay madaxweynaha dalka Eretria, farriin ka socota hogaamiyaha afgembiga dalka Masar Cabdil Fataax As-Siisi, tani ayaana kusoo aadeysa xilli xiisada ka dhex taagan Masar iyo Itoobiya ay cirka isku sii shareereyso.