Weerar Askar iyo Dad Rayid ah Lagu Dilay oo ka Dhacay Dalka Congo.Ugu yaraan 5 ruux oo rayid ah iyo 5 askari ayaa lagu dilay, weerar kamiin ah oo kooxo hubeysan ay kolonyo ciidamo ah kula beegsadeen gudaha Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo.
Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay gobalka Dogogo oo qiyaastii 20-KM ujira magaalada Boonya ee caadimadda gobalka Ituri ee gudaha dalkaas.Mandiqaddaan Ituri ayaa lagu tiriyaa iney kamid ah manaadiqda ugu badan ee ay ka dhacaan weerarada ay geysanayaan kooxaha hubeysan ee ka dhisan gudaha dalkaasi Congo.
Gobalkaan ayaa marar badan marti galiyay weerar hubeysan oo ay dhiig badani ku daateen, kuwaas oo gallaaftay nolosha kumannaan ruux.