Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay Howlgallo kala duwan ka fuliyay, gobollada Baay iyo Bakool.
Dhinaca Baay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar dhabbagal ah la beegsadeen, askar katirsan kuwa Dowladda Fedaraalka oo ka baxay magaalada Baydhabo kuna siijeedayay, degaanka Goof-gaduud Buureey ee hoostaga Baydhabo.
Weerarkaas waxaa lagu dilay sarkaal iyo askari, sarkaalku wuxuu ahaa Abaanduule, waxaan lagu magacaabjiray Saciid Maxamed Nuur Geedi, halka askariga lala dilay magaciisa lagu sheegay, Buraale Mad Kuus.
Labo qori oo Ak47 ah iyo booshashkooda ayey ka furteen ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Gudaha magaalada Baydhabana, millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xalay qarax ku weerareen islamarkaana dagaal toos ah ku qadeen, saldhigyo ay magaaladaasi ku leeyihiin askarta Dowladda Fedaraalka, illaa iyo hadane ma anaan helin faahfaahin intaasi dheer.
Dhanka kale Bakool, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay dagaal ku qaadeen, xero ay askarta Dowladda Federaalku ku leeyihiin degmada Waajid.
Weerarrada kala duwan ee ay habeen iyo dharaar fulinayaan ciidanka Xarakada Mujaahidiinta AL-Shabaab, ayaa ah kuwo isdaba joog ah, waxayna shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalku kala kulmaan dhiigbax joogto ah.