Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weeraro ku qaaday, qaar kamid ah xeryaha ay askarta shisheeye ee Uganda iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ay ku leeyihiin weybo kamid ah gobalka Sh-hoose.
Ciidamada shisheeye ayaa lagu weeraray fariisimaha ay ka sameysteen deegaanka Biimaalow iyo Eleboorka magaalada Baraawe, waxaa sidoo kale la weeraray saldhigga askarta Dowladda Fedaraalka ee degaanka Bariire ee gobalka Sh-hoose.
Dhanka gobalka Baay waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerareen saldhig ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin halka loo yaqaanno Makuudo oo ku taalla magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.