War saxaafadeed kasoo baxay Maktabka Iclaamka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa bogaadin iyo dhiirogelin waxaa loogu diray Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin ee ka jihaada saxaraha iyo saaxilka Afrika.
Bayaanka oo ku qornaa luuqadda Carabiga, ayaa horudhac iyo furfurasho kadib waxaa lagu yiri: “ Waxaa nasoo gaaray bishaarooyinka ay soo hooynayaan mujaahidiinta dulmi diidayaasha ah ee Maghribul Islaam, iyadoo ay la socdaan bishaarooyinkaas takbiirta, naftuna waxy ku faraxday, arwaaxduna ku maamuustay guulaha ay soo hooynayaan muraabidiinta aanu jecelnahay ee Nusratul Islaam wal Muslimiin, kuwaasoo soo gudbinaya casharo waaweyn oo ku dayasho leh” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Isagoo sii socda waxaa bayaanka lagu yiri: “ Iyagoo ku sugan waaqic adag oo kajira mandiqadda Saxaraha iyo Saaxilka Afrika, oo cadowga iyo kuwa wax dhagra ku badanyihiin, wuxuu Jihaadku noqday biyo xireen difaac adag oo ay ku hor burburaan shirqoollada iyo hagardaamooyinka lagu beegsanayo umadda muslimka ah, kuwaasoo isuga jira kuwa toos ah oo ay soo qaadeen murtazaqada iyo mujrimiinta, iyo kuwa dadban oo dadka looga siibayo diinta Allaah, iyadoo la adeegsanayo wasiilo kasta oo suuragal ah”.
Bayaanka kasoo baxay Maktabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaa si gaar ah loogu xusay howlgalladii ugu waaweynaa ee waayadii lasoo dhaafay Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin, ka fuliyeen dalalka Maali iyo Burkina Faso.
“ Anagoo ku dadaaleyna shaafinta quluubta Mu’miniinta, oo bogaadineyna dadaallada Mujaahidiinta, kana careysiineyna gaalada iyo munaafiqiinta, waxaanu walaalaheena ku bogaadineynaa guulahoodii farxadda lahaa, oo ay kamid tahay duullaankii ay ku qaadeen murtazaqada Fagnar, kaasoo bishii Muxarram ka dhacay mandiqadda Tantagaa-giit ee koonfurta magaalada Tanzawaatiin. Howlgalkaas barakeysan ayaana waxaa lagu burburiyay kolonyadii la beegsaday, goobtana waxaa lagu dilay 50 murtazaqada Fagnar ah, iyo 10 askari oo Maaliyaan ah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Matkabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxaa dhanka kale, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku bogaadisay Nusratul Islaam wal Muslimiin, dadaallada ballaaran ee ay ku bixineyso sidii muslimiinta ku nool galbeedka caalamka Islaamka, loogu baraarujin lahaa xaqiiqda siraaca ka aloosan dunida.
“ Waxaan walaalaheen kula dardaarmeynaa iney sugnaadaan, sahayna ka dhigtaan hadyiga Quraanka iyo Sunnaha, iyagoo la imaanaya dhamaan asbaabaha guusha iyo awoodda”.
“ Gebegebadii, waxaanu ka dagaallameynaa bariga Afrika, indhahana waxaan ku heynaa Beytul Maqdas, qalbiyadeenana waxay la jiraan dhamaan Mujaahidiinta ku sugan thuquurta Islaamka, ducadeenana waxaa soo galaya cid weliba oo ay dhab ka tahay u hiilinta diintiisa iyo umadiisa, una halgamaya iney sareyso Shareecada Islaamka, heymada Sahyuu Saliibiyadana laga dulqaado muslimiinta, Allaahna waxaan ka rajeyneynaa inuu safkeena ku kulmiyo futuuxaadka ballansan, anagoo mideysan, oo aan markaas soo celino sharafkii umadda, qooraha gaaladana jebinno, taasoo ku imaaneysa cizzada Islaamka, Jihaadka iyo soo noqoshada Khilaafada Raashidada ah” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Maktabka Iclaamka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waayadii u dambeysay Jamaacada Nusratul Islaam wal Muslimiin ayaa dardar xoog leh waxay ka waday, dalalka Maali iyo Burkina Faso, halkaas oo ay ka fulisay howlgallo waaweyn oo Jihaadi ah, kuwaasoo lagu dilay boqollaal askari, laguna furtay saanado hub ah.
Halkan ka akhriso bayaanka oo PDF ah.