HomeAll newsXasan Sheekh: " Itoobiya iyo Soomaaliya Waxay Wadaagaan Dhul, Diin iyo Dhaqan".

Xasan Sheekh: ” Itoobiya iyo Soomaaliya Waxay Wadaagaan Dhul, Diin iyo Dhaqan”.

Telefeshinka Aljazeera ee ay leedahay dowladda Qadar, ayaa waraysi la yeeshey madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud, kaasoo lagu weydiiyay su’aalo la xiriira arimaha ka taagan gobolka iyo mandiqadda.

Marka laga hadlayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Itoobiya, oo Xasan Sheekh laga waydiiyay dhowr su’aalood, wuxuu sugay si ka duwan hadalladiisii horey looga bartay, in Itoobiya ay muda dheer faragelin ku heysay dalka Soomaaliya, waqti xaadirkan la joogana ay xoog kula wareegay dhamaan garoomihii diyaaradaha ee gobolka Gedo.

“Marka laga hadlayo koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo, waxay Itoobiya la wareegtay dhamaan garoomada diyaaradeed ee gobolkaas, iyadoo ku andacooneysa in ciidamo Masaari ah lagu waday iney kasoo degaan garoomadaas”. ayuu yiri Xasan Sheekh.

Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd, bal haddii ay jiraan dowlado ay ku tuhunsanyihiin iney gadaal ka riixayaan damaca Itoobiya ee la xiriira qabsashada badda Soomaaliya, wuxuu Xasan Sheekh ka gaabsaday inuu farta ku fiiqo dowlado gaar ah, laakiin wuxuu sheegay iney rumeysanyihiin in dowlado ay gadaal ka riixayaan damaca Itoobiya, maadaama aaney Itoobiya awood u lahayn iney saldhigiyo milliteri iyo dekadaba dhisato xitaa haddii ay hesho badda Soomaaliya.

Dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ee uu Xasan Sheekh Maxmuud waday inta uu xafiiska Villa Soomaaliya fadhiyo, ayuu ku sheegay inuu yahay dagaal ay wakiil kaga yihiin caalamka, laguna doonayo in lagu ilaaliyo amniga mandiqadda, xilligan  la joogana aaney dowladiisu marna ku fakarin dagaal toos ah oo ay la gasho dowladda Itoobiya.

“Dagaalka aan kula jirno argagaxisada, waxaan wakiil kaga nahay guud ahaan caalamka, si amni iyo xasilooni looga helo mandiqadda. Maku fakareyno inaan galno dagaal ka dhan ah Itoobiya, horeyna waan kugu sheegay ma filayo in xaalku dagaal gaari doono”. ayuu yiri Xasan Sheekh, madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Hadalka Xasan Sheekh Maxmuud, ayaa ka duwan kan kasoo yeeraya madaxda Itoobiya iyo tallaabooyinka ay qaadayaan, kuwaasoo marar badan sheegay iney awood ku raadin doonaan bad ay yeelato Itoobiya.

Dowladda Itoobiya iyo shacabkeeda, ayuu Xasan Sheekh Maxmuud; madaxweynaha Dowladda Federaalka, wuxuu u diray farriin uu ku tilmaamay mid muhiim ah, taasoo ah in nabad lagu dhameeyo khilaafka, maadaaba buu yiri aanu nahay dad wadaaga dhulka, diinta iyo dhaqanka.

“Shucuubta Soomaaliya iyo Itoobiya waa shucuub deris ah, waxaan wadaagnaa dhulka, diinta, dhaqanka iyo arimo badan, waxaan nahay shucuub aaney jirin wax ay ku kala gedisanyihiin, marka aan xooga saarno waxaan ka mideysannahay, khilaafaadka yar yar ee noo dhexeeyana aan xalinno”.  ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waraysiga uu Xasan Sheekh Maxmuud siiyay telefeshinka Aljazeera, oo soconayay kudhawaad hal saac, ayuu kusoo hadal qaaday dowrka Masar ee Soomaaliya, wuxuuna meesha ka saaray iney jiraan ciidamo Masaari ah oo xilligan ku sugan dalka Soomaaliya, kaalinta Al-Qaahirana wuxuu sheegay taageerada iyo taakulada ciidanka Dowladda Federaalka.

Halkan ka dhagayso.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular