Isagoo qoslaya oo gacmaha ku dhagan madaxweynaha dalka Eritrea ayaa lasoo sawiray, waxaana Xasan iyo Asiyaas ay ka wada hadleen arrimo la xariira iskaashiga sida laga soo xigtay madaxtooyada Muqdisho.
Xasan Sheekh ayaa la sheegay in madaxweynaha Eratariya uu ka codsaday inuu taageero dowladdiisa oo ku jirto xaalad kala guur ah una baahan cid ka caawisa waxa ay ugu yeeraan la dagaalanka “Argagixisada”
Xasan Sheekh ayaa dalka Shiinaha uga qeyb galaya shir u dhaxeeya xukuumadda Bijiin iyo madaxda wadamada Afrika kaasoo xooggiisu uu ku qotomo (waa shirkee) dhaqaalaha, waxaana uu Xasan fursadda ka qeyb galka shirka uga faa’iideystay la kulanka madaxweynaha Eratariya.