Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo kamid ah deegaannada uu ka taliyo maamulka Puntland, ayaa waxaa ka taagan xiisad colaadeed, kadib markii magaalada lagu rasaaseeyay gaari ay la socdeen xubno kamid ah qoyska taliyaha ciidanka PSF-ta ee uu khilaafka kala dhexeeyo SIciid Deni.
Taliyaha ciidanka PSF Maxamuud Cismaan oo warbaahinta qaarkood soo xiganeyso, ayaa sheegay in gaari Land-gurusar ah oo ay saarnaayeen xubno kamid ah qoyskiisa oo kasoo laabtay xagaa bax, lagu rasaaseeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wuxuu sheegay inaaney jirin waxyeello ka dhalatay rasaasta, mana bixin tafaasiil intan kabadan oo la xiriirta dhacdadan uu sheegay in shalay lagu rasaaseeyey qoyskiisa qeybo kamid ah.
Habeenkii xalay, waxaa magaalada Boosaaso lagu soo daadiyay ciidamo badan oo katirsan maamulka Puntland, kuwaasoo wadooyinka qaar xadiday isticmaalkooda, tallaabadan ayaana illaa iyo hadda la ogeyn waxay salka ku heyso.
War kasoo baxay taliska ciidamada booliiska ee gobolka Bari, ayaa lagu sheegay inaaney jirin xaalad amni oo kajirta magaalada, ciidamaduna ay wataan howlahooda caadiga ee lagu sugayo amniga, sida warka loo dhigay.
Dhawaan magaalada Boosaaso waxaa ka taagneyd xiisad ka dhalatay khilaaf soo kala dhexgalay ciidanka PSF-ta iyo maamulka Puntland, taasoo keentay inuu hakad galo shaqadii garoonka diyaaradaha ee magaaalada.