HomeAll newsXukuumadda Rawaafidda Ciraaaq oo Toogatay Inkabadan 20 Maxbuus.

Xukuumadda Rawaafidda Ciraaaq oo Toogatay Inkabadan 20 Maxbuus.

Wararka ka imaanaya dalka CIraaq ayaa ku waramaya, in xukuumadda Rawaafidda Ciraaq ay dil toogasho ah ku fulisay tobanaan ruux oo muslimiin Ahlu Sunna ah, kuwaasoo ku eedeysanaa waxa loogu yeero falal argagaxisinimo.

Wakaaladda wararka ee Faransiiska oo soo xiganeyso ilo wareedyo amni iyo kuwa caafimaad oo ku sugan dalka Ciraaq, ayaa tabisay in ugu yaraan 21 ruux oo midi haweeney tahay lagu dilay maalintii shalay dalka Ciraaq.

Dadka la toogtay ayaa kamid ahaa maxaabiis sanadihii lasoo dhaafay ku xirnaa xabsiyada xukuumadda Rawaafidda, kuwaasoo kasoo jeeda qabaa’ilka Ahlu sunnaha ee dalka Ciraaq.

Xabsiga An-Naasriyah ama Al-Xuut eek u yaala gobolka Dii-Qaar ee koonfurta dalka Ciraaq, ayay ku xirnaayeen maxaabiista dilka toogashada lagu xukumey, haweeneyda muslimadda ah ee la dilay ayayna ku eedeeyeen iney ka qeyb qaadatay dil ka dhacay magaalada Baqdaad.

Waa dufcadii ugu badneyd oo markeliya ay xasuuqdo xukuumadda Rawaafidda Ciraaq, kana mid ah maxaabiista ku xiran dalkaas, sanadihii lasoo dhaafeyna waxay xukuumadan Raafidada ah dil toogasho ah ku fulisay boqollaal maxaabiis muslimiin ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular