HomeAll newsYahuudda oo Markale Weerar Xagga Isgaarsiinta ah ku Qaaday Lubnaan.

Yahuudda oo Markale Weerar Xagga Isgaarsiinta ah ku Qaaday Lubnaan.

Hal maalin kadib waxa uu maamulka Yahuudda markale maanta weerar xagga isgaarsiinta ah ku qaaday dalka Lubnaan, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Waraabinta gudaha ee dalkaasi ayaa soo tabineysa, in qaraxyo waaweyn laga maqlay dhowr magaalo oo katirsan dalka Lubnaan oo ay ku jirto magaalada ccaasimadda ah ee Beyruut.

Weerarkaan ayaa beegsaday kumannaan katirsan maleeshiyaadka ururka shiiciga ah ee la baxay Xisbullaah, kaas oo maamula dalka Lubnaan.

Weerarka waxa uu dhacay, xilli ay maleeshiyaadku wadeen meydka wiil uu dhalay mid kamid ah xildhibaannada uruurkaas, waxaana lala beegsaday qalabkii ay wateen, halka qaarkoodna ay ka dhaceen guryaha la dagan yahay.

Illaa iyo hadda 9 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku nafwaayeen weerarkaan cusub ee ay Yahuuddu ka fuliyeen dalka Lubnaan, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 300 oo kale.

Shalay un ayay aheyd markii weerar nuucaan ah ay Yahuuddu la beegsadeen qalabka isgaarsiinta ee uruurka la baxay Xisbullaah, kaas oo dhaliyay khasaare baxaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo tirada dhimashada ay aheyd 9 ruux halka dhaawacuna uu ahaa 2800 kuwaas oo 300 kamid ah ay xaaladoodu liidato.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular