HomeAll newsYahuudda oo Sii Daayay Maxaabiis u Dhashey Dalka Urdun.

Yahuudda oo Sii Daayay Maxaabiis u Dhashey Dalka Urdun.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda Urdun, ayaa lagu sheegay iney dalka dib ugu soo laabteen labo ruux oo ay ciidamada Yahuudda xabsiga dhigeen, wixii ka dambeeyey weerarkii ka dhacay marinka Al-Karaama ee lagu dilay ciidamo Yahuud ah.

Ragga dib u heley xorriyadooda ayaa ahaa darawalo kaxeeya gawaarida xamuulka ee isaga kala gudba Urdun iyo dhulka laheysto ee Filastiin, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada Yahuudda xilligii uu dhacay weerarkii uu fuliyay Maahir Al-Jaazi ee lagu dilay 3 askari oo Yahuud ah.

Labada maxbuus ee dib u heley xorriyadooda ayaa lagu kala magacaabaa Maslax Al-Cowdaat iyo Xuseen An-Naciimaat, waxaana la sheegay in xaaladooda caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

Maalmo kahor ayay ahayd, markii maamulka Yahuudda uu soo wareejiyay meydka Maahir Al-Jaazi, oo ahaa keligii duulihii dhegta dhiiga u daray saddex askari oo Yahuud ah, isagoo u aargudaya muslimiinta Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular