Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Urdun, ayaa shaacisay in maamulka Yahuudda ay kala soo wareegeen meydka fuliyihii weerarkii keligii duulnimo ee dhawaan ka dhacay marinka kala qeybiya, Urdun iyo dhulka Filastiin ee kujira gumeysiga Yahuudda.
Maahir Al-Jaazi, oo ahaa darawal Urduni ah oo kaxeynayay gawaarida xamuulka, ayaa ahaa ninkii fuliyay weerarkii keligii duulnimo ee ka dhacay marinka Al-Karaama, halkaas oo uu u ku dilay ugu yaraan 3 askari oo Yahuud ah.
Fulinta weerarka kadib, waxaa Maahir Al-Jaazi toogtay ciidanka Yahuudda ee ku sugnaa marinka, tan iyo todobaadkii hore oo uu weerarka fuliyayna, waxaa meydkiisa gacanta ku hayay maamulka Yahuudda.
Ehellada Maahir Al-Jaazi, oo aad ugu farxay howlgalka uu wiilkooda fuliyay, ayaa sheegay in dhawaan lagu aasi doono dalka Urdun, aaskiisana ay kasoo qeybgeli doonaan dada badan.
Wargeyska Jerusalaam ee kasoo baxa maamulka Yahuudda, ayaa sheegay in tallaabada lagu celiyay meydka Maahir Al-Jaazi ay timid, si cadaadiska looga yareeyo dowladda Urdun, oo xiriir amni oo qoto dheer la leh maamulka Yahuudda.