HomeAll newsYahuudda oo Weerar Khasaare Badan Dhaliyay ka Fulisay Lubnaan.

Yahuudda oo Weerar Khasaare Badan Dhaliyay ka Fulisay Lubnaan.[WARBIXIN]

Wararka ka imaanaya dalalka Lubnaan iyo Suuriya ayaa ku waramaya, in weerar xagga isgaarsiinta ah uu maamulka Yahuudda ku qaaday dalalkaaas.

Weerarkaan xaga isgaarsiinta ah ayay Yahuuddu ku qaadeen Isgaarsiinta ay isticmaalayeen xubnaha ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, waxaana lasoo warinayaa in dad dhaawacyo kasoo gaaray qaraxyda ka dhashey weerarkaas la dhigay isbitaallada caafimaad.

Waaxda amniga gudaha ee dalka Lubnaan ayaa shaaca ka qaaday, in nuucyo gaar ah oo kamid ah qalabka isgaarsiinta dalkaas ay ku qarxeen magaalooyin katirsan Lubnaan.

Waxaa marqura wada qarxay qalabka isgaarsiinta ee ay isticmaalayeen maleeshiyaadka ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, kadib markii Yahuudda lagu eedeeyay iney qalabkaasi jabsadeen oo ay qarxiyeen.

Kumannaan ruux ayaa ku dhaawacmay weerarkaan xagga isgaarsiinta ah ee lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay maamulka Yahuudda .

Inta badan dadka ayaa waxaa ka go’ay faraha kadib markii ay ku qarxeen taleefannadii gacanta ee ay isticmaalayeen.

Muuqaallo laga soo duubay mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Beyruut ee caasimadda dalka Lubnaan ayaa ku muujinaya, dad badan oo dhaacyo qaba oo halkaasi la dhigay, kuwaas oo intooda badan ay faraha ka go’een.

Qaar kale ayaa qaba dhaawacyo halis ah, kadib marii ay go’go’een xubnaha qaar ee jirkooda, waxaana marba marka ka dambeysa si xowli ah isku soo taraya khasaaraha uu weerarkaan geystay.

Illaa iyo hadda inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaan ku dhintay 9 ruux oo uu ku jiro canug yar, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 2750 sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee Lubnaan.

Muuqaallada qaar ee lasoo duubay ayaa muujinaya, dadka oo nololmaalmeedkooda caadiga ah ku jira, qaarkoodna ay joogayaan suuqayada wax lagu kala iibsado oo mar qura ay taleefannadooda ku qarxayaaan.

In ka badan 100 isbitaal oo ku yaalla dalka Lubnaan ayaa la geeyay qaar kamid ah kumannaanka ruux ee ku dhaawacmay weerarkaan xagga Isgaarsiinta ah ee uu fuliyay maamulka Yahuudda.

Dadka ku dhaawacmay weerarka waxaa kamid ah, safiirkii xukuumaadda Shiicada ah ee Iiraan ufadhiyay dalka Lubnaan ninka lagu magacaao Mujtabi Amaani, sida ay shaacisay warbaahinta Iiraan.

Uuruka shiiciga ah ee la baxay Xisbullaah ayaaa waxa uu masuuliyadda weerarkaaan dusha kaaga tuuray maamulka Yahuudda.

“Cadowga dhagarta badan ee mujrimka ah wuxuu meel uusan filaneyn kala kulmi doonaa qisaasta weerarkaaan cudwaaniga ah ee uu ku beegsaday dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ururkaas.

Warbaahinta Kayaanka Suhyuuniga ah waxa ay dhankeeda tabineysaa, in maamulkooda gumeysiga ku dhisan uu diyaar uyahay, ka hortagga weerar waliba oo aargudasho ah kana imaan kara dhanka ururka la baxay Xisbullaah.

Dekadda Xeyfa, garoonka Ben Gurion iyo goobo kale ayaaa heegan galiyay, kuwaas oo uu maamulka Yahuudda ka cabsi qabo in weeraro ay la beegsadaan ururka Shiiciga ah ee la baxay Xisbullaah.

Dalka Suuriya ayuu sidoo kale ka dhacay weerarka xaggaa isgaarsiinta ah ee uu geystay Maamulka Yahuudda, waxaana weerar dalkaasi ka dhacay uu ku beegsaday xubno katirsan isla uruurkaan.

Ugu yaraan 11 askari oo katirsan ururka la baxay Xisbullaah ayaa ku dhaawacmay, weerar xagga isgaarsiinta ah oo uu maamulka Yahuudda ka geystay dalka Suuriya.

Warbaahinta ayaa aad utabisay xaaladahaan kasoo kordhay madniqadda loogu yeero Bariga Dhexe, waxaana marba marka ka dambeysa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkaan culus ee uu geystay maamulka Yahuudda.

halkaan ka Degso Faahfaahinta.

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular