Taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika, ayaa walaac ka muujiyay ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah duullaanka Itoobiya, marka uu soo dhamaado howlgalka ciidamada Shisheeyaha ee ATMIS.
Langley, ayaa sidoo kale ka walaacay khilaafka u dhexeeya Xasan Sheekh Maxmuud iyo Abiy Axmed, isagoo sheegay inuu jecleysan lahaa in khilaafkaas lagu dhameeyo hab diblumaasiyadeed.