Wasiirka arimaha dibadda dalka Maraykanka Antony Blinkin, ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku maro mandiqadda Bariga Dhexe, ee marti gelineysa dagaalladag adag.
Haweeneyda ku xigeenka u ah Biden ee lagu magacaabo Kamala Harris, ayaa sheegtay in Antony Blinkin oo ah wasiirka arimaha dibadda Maraykanka, uu dhawaan u safri doono Bariga dhexe, halkaas oo uu kula kulmi doono dhinacyo ay quseyso xaaladda kajirta gobolka.
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in maalinta burrito oo Talaado ah uu Blinkin gaari doono mandiqadda, iyadoo aan si gaar ah loo ogeyn dalalka uu ku hormari doono, ama si guud kuwa uu booqan doono.
Maraykanka ayaa sheeganaya inuu doonayo in xal laga gaaro dagaalka Qazza iyo Lubnaan, lana gaaro heshiis maxaabiis isdhaafsi ah, laakiin sidaasoo ay tahay wuxuu si toos ah uga mid yahay dagaalka, isagoo garab iyo gaashaanba u ah maamulka Yahuudda.
Ciidamada Maraykanka ayaa waqti xaadirkan ku sugan dhulka Filastiin ee kujira gumeysiga Yahuudda, ciidamada kale ee jooga mandiqadda Bariga dhexe ayaa iyaguna heegan buuxa ku jiro, si ay u gacan siiyaan Yahuudda haddii ay la kulmaan weeraro uga yimaada dhinacyada kasoo horjeeda.
Antony Blinkin ayaa lagu xusuustaa booqashadii uu horaantii October 2023-da ku tagay dhulka la heysto ee Filastiin, halkaas oo uu si cad uga sheegay inuu ku faanayo inuu Yahuudi yahay, halkaasna u tagay Yahuudiyadda darteed, oo aaney micno ugu fadhin jagada iyo masuuliyadda uu xambaarsanyahay.