Warqad kasoo baxday Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka, ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Dowladda Federaalka uu lumiyay xubinnimadii golahaas.
Saalax Jaamac ayaa lagu eedeeyay in 2 sano iyo bar aanu soo xaadirin fadhiyada Aqalka sare, sidaasi darteedna uu waayay xubinnimadiisa.
Cabdi Xaashi, oo ah gudoomiyaha Aqalka sare, ayaa isku dayay inuu bedelkiisa u magacaabo siyaasi kale oo kasoo jeeda gobollada wuqooyi, balse waxaa ka diiday Senatarada fadhiga soo xaadiray.
Arintan ayaa ka dhigan xiisad horleh oo soo kala dhexgashay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, kuwaasoo dhexdooda is diidan, mid welibana ka shaqeynayo dibin-daabiyada kan kale.