Habeenkii xalay kayaanka Sahyuuniga ah ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay magaalooyinka Dimishiq iyo Ximis ee dalka Suuriya.
Duqeymahan ayey Yahuuddu la beegsadeen xeryo ciidank oo ay leeyihiin ciidanka Nuseyriyada, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askartii ku sugneyd.
ugu yaraan 1 askari ayaa ku dhintay duqeymahan halka ay ku dhaawacmeen todobo kale, waxaana sido kale jira khasaare hantiyeed weerarkan kasoo gaaray Nuseyriyada.
Sido kale warar ayaa sheegaya in duqeymo hor leh ay Yahuuddu mar kale saakay ka fuliyeen magaaalada Dimishiq ee caasimadda u ah wadanka Suuriya, inkastoo aan duqeyntan laga hayn xog intaasi ka faahfaahin.
Maamulka Yahuudda ayaa waayahan duqeymo isdaba jooga ah kawaday dalka Suuriya, wuxuuna marar kala duwan halkaas sheegay inuu ku beegsaday xubno katirsan ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah.
Dhawaan ayey ahayd markii uu sheegay in duqeyn ka dhacday Suuriya uu ku dilay mas’uul katirsan qeybta isgaarsiinta ee xisbiga Shiiciga, inkastoo aysan iyagu dhankooda ka hadal warka kasoo yeeray Yahuudda.