Guutada qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta markale fuliyeen, weeraro qaraxyo ah oo lala beegsaday askarta Uganda iyo kuwa maamulka la baxay Koonfur-galbeed.
Haddaan ku horreyno qaraxa koowaad oo ka dhacay duleedka magaalada Beydhabo, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen askar katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed.
Qaraxa ayaa si gaar ah kaga dhacay degaanka Goof-gaduud Buurey oo hoostaga magaalada Beydhabo, waxaana lagu dilay 3 askari halka lagu dhaawacay 2 kale.
Sidoo kale qaraxyo gaaraya illaa 3 ayaa askar katirsan ciidanka Uganda ee qeybta ka ah shisheeyaha kusoo duulay dalka lagula beegsaday, inta udhexeysa degaanka Danow ee gobalka Sh-hoose iyo magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan oo kasoo baxay degaanka Danow ee gobalka Sh-hoose ayaa kusii jeeday magaalada Muqdisho, balse waxay wadada kula kulmeen silsilado qaraxyo ah.
Weeraradaan ayaa kusoo aadaya iyadoo qaraxyo maanta ka dhacay goballada Shabeellooyinka lagu dilay, 7 askari oo Ugandeys ah iyo 3 askari oo katirsan ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Alxamdu li lah
insha allh
mujahidinta wey guleysan
insha allh
والعاقبة للمتقين 💛💜✊