HomeAll newsAskar Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallada Lubnaan.

Askar Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallada Lubnaan.

Wararka ka imaanaya koonfurta dalka Lubnaan, ayaa tilmaamaya in markii ugu horeysay dagaallo fool ka fool ah isaga horyimaadeen, ciidamada maamulka Yahuudda iyo malleeshiyaadka ururka shiicada ah ee labaxay Xisbullaah.

Ciidanka Yahuudda ayaa war uu soo saaray wuxuu ku qirtay, in ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidanka Kumaandooska Yahuudda lagu dilay dagaallo ka dhacay koonfurta Lubnaan.

Marka laga yimaado 3 askari ee dhimatay, waxay warbaahinta maamulka Yahuudda tabiyeen in inkabadan 10 askari ay dhaawacyo ku noqdeen weerarkan fool ka foolka ah.

Waa markii ugu horeysay oo askar kaitrsan Yahuudda lagu dilo gudaha dalka Lubnaan, tan iyo markii ay billaabatay xiisadda ka dhex taagan Shiicada iyo maamulka Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular