Falkaan ayaa waxa uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaana askari katirsan Dowladda Fedaraalka uu dil iyo dhaawac ugeystay sarkaal iyo nin farsamoyaqaan ah.
Ninka farsamayaqaanka ah oo ay askartu uyeerteen si uu gaari ugu farsameeyo ayaa waxaa rasaas ku furay askariga, taas oo sabbatay dhaawaca ninkaan iyo sarkaal kale.
Muddo uu isbitaalka yiillay kadib waxaa dhaawaca u geeriyooday ninka farsamoyaqaanka ah oo lagu magacaabo Kunaani Nuur.