Askariga oo lagu magacaabo Cabdi Macalin Aadan Xuseen, wuxuu katirsanaa askartii Dowladda Fedaraalka lee loo qaaday dalka Erateriya, wuxuuna haatan isku soo dhiibay maamulka Islaamiga ah ee gobolka Sh/Hoose, iyadoo lagu soo bandhigay degmada Kurtunwaarreey.
Wuxuu sheegay in markii la geeyay dalka Elatariya ay intii tababarka lagu jiray ka dhinteen 80 askari, kuwaasoo uu sheegay in qaarna xanuuno sababsadeen kuwo kalena ay nadftooda dileen.
Markii dib loogu soo celiyay Soomaaliya, wuxuu sheegay in la geeyay xero Maslax, kadibna looga sii qaaday Maxaas oo katirsan gobolka Hiiraan, halkaas markii la geeyayna wuxuu tilmaamay iney kala carareen.