Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya, in askari katirsan Dowladda Fedaraalka lagu dilay deegaan katirsan gobalkaas.
Dilka askariga ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay degaanka Qowlad ee hoostagta magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka.
Maleeshiyaad hubeysan oo isbaaro utiillay ayaa lasoo warinayaa iney toogteen askariga katirsan Dowladda Fedaraalka, halka uu dhaawacmay mid kamid ah darawaladda gaadiidka.
Dhimashada askariga iyo dhaawaca qofka darawalka ah ayaa timid, kadib markii maleeshiyaadka ay rsaas ku fureen gaariga uu saarnaa askariga, taas oo keentay iney is rasaaseyn dhex marto labada dhinac.