Darawallada kaxeeya mootooyinka Bajaajta ee ka howlgala magaalada Muqdisho, ayaa ka cabanaya ciriiriga wadooyinka, iyadoo ay xiranyihiin jidad muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Waxay sheegeen in ciririigan ka jira wadooyinka Muqdisho ay sababteedu leedahay Dowladda Federaalka, iyagoona codsaday in dhibaatadaas laga dulqaado.
Horay ayay Bajaajleydu uga cabanayeen dhibaatooyin uga imaanaya Dowladda Federaalka, oo ay kamid tahay lacagaha xad dhaafka ah ee lagu soo rogay bajaajleyda, kuwaasoo magacyo kala duwan loo bixiyay.