HomeAll newsBanaanbaxyo Lagu Taageerayo Muslimiinta Qazza oo Ka Dhacay Marooko.

Banaanbaxyo Lagu Taageerayo Muslimiinta Qazza oo Ka Dhacay Marooko.

Maalintii Shalay oo Jimco ahayd waxaa magaalada Ribaadh ee caasimadda u ah dalka Maqrib ka dhacay, dibad bax lagu diidan yahay gumaadka aan kala joogsiga lahayn ee ay Yahuuddu ku heyso dadka reer Qazza, iyadoo dhanka kale garab istaag loo muujiyay muslimiinta walaalaheena ah ee halkaasi ku dhibban.

Dibad-baxan oo dhacay galabnimadii shalay, ayaa waxaa ka qeybgalay kumanaan ruux oo reer Maqrib ah, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Yahuudda, halka ay dhanka kale garab istaag umuujinayeen Muslimiinta reer Falastiin.

Marka la fiiriyo inta ugu badan Muslimiinta caalamka iyo sida ay uwajaheen qadiyadda Qazza, waxaa kuusoo baxaysa hal arrin oo ay Yahuudda iyo xulafadeedu rabeen bilowgii dagaalka iney hirgasho, taasoo ah in dadka Muslimiinta ah la gaarsiiyo heer ay qiirada iyo xamaasaddu ka dhamaato oo ay iska iloobaan, dhiigga walaalahooda  habeen iyo maalin qubanaya, iyo dhibaatooyinka aan xadka lahayn ee ay la kulmayaan.

Hadaba Muslimiinta waxaa la gudboon iney fadhiga ka kacaan oo ay sugin, iney fadhigooda ugu timaado xaaladda maanta heysa reer Qazza oo kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular