Diiradda Jimcaha waxaa todobaadkan lagu falanqeynayaa mowduuc la xiriira, shir dhawaan ka dhacay magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali-Galbeed, kaasoo laga sheegay in dhulkaasi gumeysiga ku jira 40% ay leeyihiin qowmiyado Itoobiyaan ah.
Waxaa marti ku ah Barnaamijka Diiradda aqoonyahan, culimo iyo waxgarad, iyadoo ay dhegeystayaashu aragtidooda dhiibanayaan.