HomeAll newsBiden oo Sheegay inuu Isbedel Kuyimid Mowqifka Maraykanka ee Bariga Dhexe.

Biden oo Sheegay inuu Isbedel Kuyimid Mowqifka Maraykanka ee Bariga Dhexe.

Warqad uu u diray aqalka Congreska Maraykanka, ayuu madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, wuxuu ku sheegay inuu isbedel ku sameeyay mowqifka ciidamada Maraykanka ee mandiqadda Bariga Dhexe.

Wuxuu sheegay maadaama uu yahay taliyaha ugu sareeya ee ciidamada Maraykanka, isagoo gudanaya howlihiisa shaqo, uu go’aansaday inuu isbedel ku sameeyo mowqifka ciidamada Maraykanka ee mandiqadda, si loo ilaaliyo badqabka ciidanka Maraykanka, loona difaaco amniga Yahuudda.

Wuxuu tilmaamay Biden inuu xoojiyay ciidanka Maraykanka ee mandiqadda Bariga Dhexe, awoodahoodana la ballaariyay, si ay tallaabada ay doonaan u qaadaan waqtiga ku haboon.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, wuxuu sheegay in ciidamada Maraykanka ay ka qeyb qaateen difaaca maamulka Yahuudda, markii uu la kulmay weeraro uga yimid dhanka dowladda shiicada ah ee Iiraan.

Sida lagu sheegay warqadda uu Joe Biden u diray aqalka Congreska Maraykanka, waxaa lasii kordhiyay waqtiga ay sii joogi doonaan biyaha gobolka, markabka lagu magacaabo USS ABRAHAM.

Joe Biden wuxuu kaloo tilmaamay in diyaaradaha F35 ay gaari doonaan mandiqadda, kuwaasoo uu sheegay iney awood u leeyihiin ka hortagga gantaallada Balastika ee ay isticmaalaan Iiraan iyo xulafadeeda.

Maraykanka ayaa ah taageeraha koowaad ee Yahuudda, haddii ay taageeradaas joogstana waxay dad badani rumeysanyihiin inaaney maalmo Yahuuddu sii joogi karin dhulka ay xooga ku heystaan ee Filastiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular