Boliska degmada Luuq ee gobalka Gedo ayaa sheegay iney awoodi la’yihiin joojinta colaadda ka taagan degmadaas.
Degmada Luuq ee gobalka Gedo waxaa wali ka soconaya dagaallada culus ee udhexeeya maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamaya degmadaas, xilli khasaaraha ka dhashay dagaalladaasi ay kordheen, waxaana dagaallada shalay dhacay oo kaliya la sheegayaa iney ku dhinteen dad kor udhaafaya 7 ruux.
Korneel Kaliil C/kariin oo ah taliyaha Boliska degmada Luuq ee gobalka Gado ayaa sheegay, in dhinacyada dagaallamaya ay kala taageerayaan Dolwadda Fedaraalka iyo maamulka la baxay Jubbaland
Waxa uu tilmaamay in iyaga laga awood badan yahay, islamarkaana aysan awooodin joojinta dagaalladaas, Dowladda Fedaraalkana looga baahan yahay iney xalliso, walow iyada qudheeda lagu eedeeyo iney qeyb ka tahay dagaal beeleedyada.