Boliska maamulka la baxay Soomaaliland ayaa sheegay iney xabsiga dhigeen, dad ay ku eedeeyeen iney dhagxaan ku weerareen masuuliyiin katirsan xisbiga haya talada maamulkaas.
Masuul uhadlay boliska maamulka la baxay Soomaaliland, ayaaa faahfaahin ka bixiyay howlgallo ay sameeyeen, kuwaas oo ay kusoo qabqabteen dad uu maamulku eedeyn uheysto.
Masuulka ayaa sheegay iney xireen 10 ruux, kuwaas oo lagu eedeeyay dhagxeynta xubno katirsan xibsiga haya talada maamulkaas, iyo burburinta boorarka xisbiyada.