Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa sheegay, in sanadkii lasoo dhaafay degaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi ay ka dhaceen wax ka badan 28-kun oo fal-dambiyeed.
Tirakoob uu soo saaray Boliska maamulka la baxay Soomaaliland ayaa lagu faahfaahiyay, falal damniyeedyada iyo shilalka sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay dhulka uu ka arrimiyo maamulkaas, waxaana falal dambiyeedyada uu maamulku sheegay iney kor udhaafayaan 28-kun oo fal-dambiyeed.
Ibraahim Cabdi Xaaji Maxamuud oo ah masuul katirsan boliska maamulkaasi ayaa sharraxaad ka bixiyay, falal-dambeedyada iyo shilalka dhacay sanadkii tagay, isagoo geesta kale ka hadlay khasaaraha ka dhashay falalkaas.
Waxaa kaloo sanadkii tagay degaannada ku yaalla goballada woqooyi laga soo diiwaan galiyay koror ku aaddan tirada dhallaanka yaryar ee lagu soo tuuro wadooyinka, waxaan ka warrmaya masuulka katirsan boliska.