HomeAll newsBulgeria oo Aala-Sucuud u Dhiibeysa Nin Kasoo Jeeda Dhulka Xarameynka.

Bulgeria oo Aala-Sucuud u Dhiibeysa Nin Kasoo Jeeda Dhulka Xarameynka.

Maxkamadda sare ee dalka Bulgeeriya ayaa go’aansatay in dalkaasi laga tarxiilo muwaadin kasoo jeeda Xarameynka, iyadoo loo gacan gelinayo maamulka Aala-Sucuud.

Cabdi Raxmaan Al-Khaalidi oo ku sugnaa dalka Bulgeeriya, ayaa hadda maxkamadda dalkaas waxay go’aamisay in loo tarxiilo dhulka uu ka taliyo maamulka Aala-Sucuud, taasoo halis gelin karta noloshiisa.

Hay’adaha sheegta iney u doodaan xuquuqda Aadanaha ayaa tallaabadan ku tilmaamay, mid ka hor imaaneysa xeerarka caalamiga ee la xiriira dadka qaxootiga ama magan galyo doonka ah.

Hay’ad lagu magacaabo Sanad ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay, in go’aanka maxkamadda Bulgeeriya uu halis gelinayo nolosha Cabdi Raxmaan Al-khaalidi, sidaasi darteedna ay haboontahay in laga laabto.

Bilooyin xiriir ah ayay maxkamadda dalka Bulgeeriya waxaa ka socday dood iyo muran dheer oo ku saabsan, in Cabdi Raxmaan Al-khaalidi loo dhiibi karo Aala-Sucuud iyo inkale, go’aanka ay iminka qaadatey ayayna ku sheegtay mid aan racfaan laga qaadan karin.

Hay’adda Amnesty International ayaa bayaan ay soo saartay waxay ugu baaqday dowladda Bulgeeriya, iney ka laabato go’aanka, xabsigana kasii deyso Cabdi-Raxmaan Al-khaalidi, oo kamid ah dadka kasoo baxsaday maamulka Aala-Sucuud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular