Maamulka Islaamiga ee degmada Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, ayaa halkaasi ka hirgeliyay suuq ganacsi, kaasoo ay si diiran usoo dhaweeyaan dadka ku dhaqan magaalada.
Munaasabad ka dhacday magaalada oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta maamulka, ayaa lagu daah-furay suuqan ganacsi.