Dowladda Canada oo kamid ah kuwa reer-galbeedka ee cadaadiska xooggan ku haya dadka soo galootiga ah, ayaa qaaday tallaabo ay ku dhibaateyneyso dadka ku dhaqan dalkaas.
Maamulka Canada ee gobalka Ontario ayaa ardayda anaajibta ah ee dhigta jaamacaha gobalkaasi ka mamnuucay iney bartaan kulliyada caafimaadka.
Gobalkaan ayaa waxaa ku nool Soomaalida ugu badan ee ku sugan dalka Canada, mid kamid ah ayaana sheegay in dhaqaatiir xumo ba’an ay ka jirto mandiqadda, taasna ay saameyn ku yeelatay bulshada gaar ahaan kuwa aan dalkaasi udhalan.