Taliska ciidamada Shisheeye ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ee la baxay ATMIS, ayaa sheegay in ciidamada Kenya isaga baxeen saldhigii ay kaga sugnaayeen jaziiradda Kudhaa, ee gobolka Jubbada Hoose.
Munaasabad ka dhacday saldhiga ciidamada Kenya kaga sugnaayeen Jaziiradda Kudhaa, ayaa lagu sheegay in amaanka jaziiradda ay ciidamada Kenya wixii xilligan ka dambeeya ku wareejiyeen askarta maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.
Saraakiil katirsan ciidamada Kenya, kuwa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, ayaa ka qeybgalay munaasabadda, waxaana ay sheegeen in wixii xilligan ka dambeeyo ay ciidamada Kenya wareejiyeen saldhigoodii Kudhaa.
Sanadkii 2015-ka ayay ciidamada Kenya duullaan milliteri kula wareegeen Jaziiradda Kudhaa oo kamid ahayd goobaha lagu maamulo Shareecada Islaamka, waana saldhigii labaad oo ay ciidamada Kenya muda sanad gudihiisa ka baxaan marka laga hadlayo gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada Shisheeyaha ee ATMIS, ayaa wada qorshe ay ku bedelayaan magaca duullaankooda, iyadoo marka la gaaro sanadka 2025-ka uu qorshaha yahay in magac cusub loo bixiyo duullaanka Soomaaliya, kaasoo inta badan ku ekaan doona magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa la doonayaa iney la wareegaan saldhigyada ay ciidamada Shisheeyaha kaga suganyihiin deegaannada fog fog, taasoo khubarada amniga ee gobolka iyo reer galbeedkaba ay ka muujiyeen walaac xoogan, oo la xiriira iney ku dambeyn doonaan gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.