HomeAll newsCiidamada Yahuudda oo Dhaq-dhaqaaqyo ka wada Xad Beenaatka Suuriya.

Ciidamada Yahuudda oo Dhaq-dhaqaaqyo ka wada Xad Beenaatka Suuriya.

Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganeyso ilo wareedyo ciidan oo kusugan dalalka Lubnaan iyo Suuriya, ayaa tabisay in ciidamada Yahuudda ay sii xoojiyeen tallaabooyinka milliteri ee ay ka sameynayaan xadbeenaatka Filastiin iyo Suuriya.

Ciidamada Yahuudda ayaa billaabay iney meesha ka saaraan miinooyin ku aasan dhulka, sidoo kalena ka dhistaan difaacyo horleh mandiqadda ay dhacdo buurta Al-jowlaan ee kamid ah dalka Suuriya.

Ciidamada Yahuudda waxay kusoo durkeen dhanka Suuriya, iyagoo soo fogeeyay siliga kala bara Filastiinta gumeysiga kujirta iyo dalka Suuriya.

Tallaabadan ayay warbixinta Reuters ku sheegtay iney u muuqato mid Yahuuddu kaga gol leeyihiin, iney ku ballaariyaan cadaadiska ay saarayaan ururka shiiciga ah ee la magacbaxay Xisbullaah, kaasoo si xorriyad ah isaga kala gudba Lubnaan iyo Suuriya.

Waxaa jirta cabsi badan oo ay muujinayaan hay’adaha Qaramada Midoobay iyo howlgalkooda dalalka Lubnaan iyo Suuriya, iyagoo tilmaamaya iney jirto halis ah in siraacu kusii baaho meelo horleh, Yahuudana ay isku dayaan iney furimo furan ka dhigaan dalalka Suuriya, Masar, Lubnaan iyo Urdun.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular