Wararka ka imaanaya dalka Lubnaan, ayaa tilmaamaya in ciidamo Yahuud ah oo kasoo tallaabay xad beenaatka, ay gudaha usoo galeen dalka Lubnaan, kuwaasoo billaabay howlgallo milliteri.
Taliska ciidamada Yahuudda ayaa xaqiijiyay, in ciidankooda noocyadiisa kala duwan ay ka tallaabeen xadka Lubnaan, halkaasna ka wadaan howlgal qorsheysan oo kooban, sida warka loo dhigay.
Tallaabadan ayay Yahuudda, waxay gogol xaar uga dhigeen, duqeymo xoogan oo maalmihii lasoo dhaafay ku garaacayeen magaalooyinka waaweyn ee Lubnaan, kuwaasoo gallaaftay nolosha hogaamiyaashii ugu sareeyay Shiicada iyo xitaa dadka shacabka ah.
Lama oga inta uu sii socon karo howlgalka duullaanka ee ay Yahuuddu kusoo qaadeen dalka Lubnaan, waxaase dowladda Maraykanka iyo kuwa reer galbeedka soo jeediyeen inuu noqdo mid kooban, oo waqti dhow kusoo afjarma.