Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay, Hanad Axmed Muuse oo ahaa sarkaal 2 xidigle ah oo katirsan boliska Dowladda Fedaraalka.
Dilka sarkaalkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay halka loo yaqaanno isgoyska Macallin Nuur ee duleedka magaalada Muqdisho.
Sida ay wararku sheegayaan, dilka sarkaalka ayaa yimid, kadib markii uu isku dayay inuu dhisto boosaneer gurigiisa ku yiillay, kaas oo ay ciidamada sirdoonku ku amreen inuu joojiyo, balse waa uu ka diiday arrintaas oo ugu dambeyn sababtay iney xabbad ku shannaqaan.
Qaad kamid ah dadka degaanka ayaa ka warbixiyay dhacdadaan, iyagoo sheegay in ciidanka sirdoonka ay mudooyinkii lasoo dhaafayba xoojiyeen dilalka ay dadka ugeysanayaan, taasina ay qaati ka taagan yihiin.