HomeAll newsCowsweyne oo Lagu soo Bandhigay Meydadka Ciidamo Katirsanaa Dowladda Federaalka.

Cowsweyne oo Lagu soo Bandhigay Meydadka Ciidamo Katirsanaa Dowladda Federaalka.

Waxaa deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud, lagu soo bandhigay meydadka ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka, oo lagu dilay dagaallo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Ceeldheer.

Boqollaal kamid ah dadka deegaanka ayaa usoo daawasho tagay fagaaraha lagu soo bandhigay meydadka, waxaana bulshada la hadlay odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Reer Cowsweyne ayaa sheegay iney ku faraxsanyihiin dharbaaxada gaartay ciidamada Dowladda Federaalka, iyagoo sheegay in looga taag waayay duullaannada ay kusoo qaadayaan deegaannada nabdoon ee lagu maamulo Shareecada Islaamka.

Dagaallo dhawaan ka dhacay deegaanno hoosyimaada Ceeldheer, ayaa dhegta dhiiga loogu daray tobanaan askari oo ay saraakiil ku jiraan, kuwaasoo katirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka.

Halkan ka dhagayso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular