HomeAll newsCudurka Autisim oo Faro Ba'an ku Haya Soomaalida Kunool Maraykanka.

Cudurka Autisim oo Faro Ba’an ku Haya Soomaalida Kunool Maraykanka. [Dhagayso]

Waxaa guud ahaan dalka Maraykanka waayadii u dambeysay kusii baahaya cudur lagu magacaabo Austisim, oo ku dhaca caruurta yar-yar,  kaasoo ah dib u dhaca xaga maskaxda ah oo ay Ilmuhu ku dhashaan, taasoo keeneysa inaaney isku filnaan karin, oo ay mar weliba u baahanyihiin saacidaad joogta ah, xitaa marka ay weynaadaan.

Mid kamid ah goobaha uu cudurkan ku baahay, sida daranna ugu fiday waa gobolka Minesota oo ay deganyihiin Soomaalida ugu badan ee kunool dalka Maraykanka, arinta la yaabka lehna waxay tahay inuu cudurkani ku badanyahay caruurta Soomaaliyeed, marka loo barbar dhigo bulshooyinka kale ee kunool Maraykanka.

Anisa Xaaji Muxammad, waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Maraykanka, waxay heystaa saddex caruur ah oo dhamaantooda qaba cudurka Austisimka.

Caruurtan oo ay da’doodu kala tahay 3 sano jir , 6 sano jir  iyo 8  sano jir, ayaa ku dhashey cudurka Austisimka, waxayna Anisa ku qasbanaatay iney joojisay dhamaan shaqooyinkii ay heysay, una go’do xanaanada ubadkeeda.

Autisim ama Tawaxud, waa cudur ka dhasha dib u dhac xaga maskaxda ah oo ku dhacda caruurta marka ay yaryihiin, ama ay uur jiifka yihiin, wuxuuna sababaa in ilmuhu aaney soconin, ama aaney hadlin, 40% dadka u uku dhacana waxay dhakhaatiirtu sheegayaan inuu u baahanyahay caawimaad joogta ah intaba uu noolyahay.

Dhagayso Warbixin- Cudurka Autsim iyo Soomaalida Maraykanaka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular