War kasoo baxay Markaz diiwaangeliya dadka uu soo rito cudurka daacuunka, ayaa sheegay in saacadihii ugu dambeeyay ay diiwaan geliyaan inkabadan 100 qof oo uu soo ritay xanuunka.
Waxaa lagu sheegay in 6 gobol oo kamid ah dalka Suudaan saacadihii ugu dambeeyay uu cudurka Kalooraha ku dhacay dad gaaraya 107 ruux, kuwaasoo la dhigay xarumaha caafimaadka.
42 dadka uu soo ritay xanuunka ayaa laga soo diiwaangeliyay gobolka Kasla, halka Al-Qadaarifna laga soo diiwaan geliyay 15 ruux, Nahru-Niilna 7 qof, Baxrul Axmar 12 qof, Wuqooyiga 7 qof, halka Sanaarna laga soo calaamadeeyay hal qof.
Tani waxay ka dhigantahay in wadarta guud dadka qaba cudurka daacuunka ee laga soo diiwaan geliyay 11 gobol oo kamid ah Suudaan, ay gaarayaan 23 kun 887 ruux, halka la diiwaan geliyay dhimashada 677 qof.
Hay’adaha caafimaadka ee dalka Suudaan ayaa wada olole wacyigelin ah, oo dadka lagu barayo qaababka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo cudurka, ama loola tacaali karo marka uu qofka soo rito.
Dalka Suudaan ayaa waxaa u kulmey dhibaatooyin kala duwan, marka laga yimaado dagaalka sii daba dheeraaday ee dalka ka socdana waxaa dalka ka jira cuduro, daadad iyo cunto la’aan saameysay dadka, kuwaasoo badi ka barakacay guryahoodii iyo halkii ay kasoo saaran jireen quutkooda.